← Psalms (109/150) → |
1. | Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin, |
2. | Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega. |
3. | Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla’aan bay igula dirireen. |
4. | Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa. |
5. | Wanaag waxay iigaga abaal gudeen xumaan, Jacaylna nacayb. |
6. | Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa. |
7. | Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto. |
8. | Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato. |
9. | Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto. |
10. | Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah. |
11. | Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday. |
12. | Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah. |
13. | Farcankiisu ha baabba’o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro. |
14. | Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin. |
15. | Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka. |
16. | Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed. |
17. | Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga. |
18. | Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid. |
19. | Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba, |
20. | Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba. |
21. | Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi, |
22. | Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay. |
23. | Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale. |
24. | Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla’aanteed wuu la caatoobaa. |
25. | Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan. |
26. | Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan, |
27. | Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow. |
28. | Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa. |
29. | Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale. |
30. | Afkaygaan aad ugaga mahad naqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa. |
31. | Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma. |
← Psalms (109/150) → |