← Lamentations (3/5) → |
1. | Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay. |
2. | Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn. |
3. | Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa. |
4. | Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey. |
5. | Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib. |
6. | Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay. |
7. | Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay. |
8. | Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa. |
9. | Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey. |
10. | Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya. |
11. | Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay. |
12. | Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha. |
13. | Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan. |
14. | Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan. |
15. | Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey. |
16. | Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay. |
17. | Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay. |
18. | Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe’een. |
19. | Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii. |
20. | Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay. |
21. | Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay. |
22. | Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi’in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato. |
23. | Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay. |
24. | Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa. |
25. | Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba. |
26. | Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo. |
27. | Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay. |
28. | Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray. |
29. | Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto. |
30. | Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo. |
31. | Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono. |
32. | Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed. |
33. | Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo. |
34. | In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo, |
35. | Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa, |
36. | Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha. |
37. | Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin? |
38. | Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba? |
39. | Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa? |
40. | Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno. |
41. | Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira. |
42. | Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin. |
43. | Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin. |
44. | Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin. |
45. | Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay. |
46. | Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen. |
47. | Waxaa noo yimid cabsi iyo yaamays, iyo halligaad iyo baabbi’in. |
48. | Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi’inta dadkayga aawadeed. |
49. | Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan |
50. | Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego. |
51. | Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood. |
52. | Kuwii cadaawayaashayda sababla’aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale. |
53. | Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen. |
54. | Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go’day. |
55. | Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay. |
56. | Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda. |
57. | Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan. |
58. | Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay. |
59. | Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor. |
60. | Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay. |
61. | Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan, |
62. | Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qastiyeenba. |
63. | Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan. |
64. | Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda. |
65. | Indhala’aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa. |
66. | Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi’in doontaa. |
← Lamentations (3/5) → |