Exodus (1/40) → |
1. | Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa’iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub. |
2. | Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah, |
3. | Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin, |
4. | Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer. |
5. | Oo dadkii ka soo go’ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay. |
6. | Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen. |
7. | Oo reer binu Israa’iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen. |
8. | Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin. |
9. | Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa’iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin. |
10. | Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane. |
11. | Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses. |
12. | Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa’iil aawadood ayay la murugaysnaayeen. |
13. | Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa’iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan, |
14. | oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen. |
15. | Markaasaa boqorkii Masar wuxuu la hadlay umulisooyinkii Cibraaniyadaha ahaa, oo middood magaceeda Shifraah la odhan jiray, tan kale magaceedana Fuwah la odhan jiray, |
16. | oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato. |
17. | Laakiinse umulisooyinkii Ilaah bay ka cabsadeen, mana ay samayn wixii boqorkii Masar ku amray, ee way badbaadiyeen carruurtii labka ahayd. |
18. | Markaasaa boqorkii Masar u yeedhay umulisooyinkii, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan u samayseen, oo aad u badbaadiseen carruurtii labka ahayd? |
19. | Markaasaa umulisooyinkii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Maxaa yeelay, naagaha Cibraaniyaduhu la mid ma aha naagaha Masriga, oo waa ka dhaqso badan yihiin, oo intii aan umulisooyinku u iman bay umulaan. |
20. | Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo aad bay u xoogaysteen. |
21. | Oo waxay noqotay, in Ilaah umulisooyinkii reero u yeelay, maxaa yeelay, Ilaah bay ka cabsadeen. |
22. | Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan. |
Exodus (1/40) → |