| ← 2Thessalonians (3/3) |
| 1. | Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Noo soo duceeya in ereyga Rabbigu dhaqso u faafo oo loo ammaano sida dhexdiinna loogu ammaano, |
| 2. | oo lanaga badbaadiyo dadka qalloocan oo sharka ah, waayo, rumaysad lama wada laha. |
| 3. | Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa. |
| 4. | Xaggiinnana Rabbiga waannu aaminsan nahay inaad samaysaan oo aad samayn doontaan wixii aannu idinku amarno. |
| 5. | Rabbigu qalbiyadiinna ha ku toosiyo jacaylka Ilaah iyo dulqaadashada Masiixa. |
| 6. | Hadda walaalayaalow, waxaannu magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinku amraynaa inaad ka fogaataan walaal kasta oo si aan hagaagsanayn u socda oo aan ku soconayn cilmigii ay naga heleen. |
| 7. | Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay. |
| 8. | Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin; |
| 9. | mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan. |
| 10. | Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin. |
| 11. | Laakiin waxaannu maqalnay inay idin dhex joogaan kuwo si aan hagaagsanayn u socda oo aan innaba shaqayn, laakiin axwaalka dadka kale faraggeliya. |
| 12. | Kuwa caynkaas ah waxaannu Rabbi Ciise Masiix ku amraynaa oo ku waaninaynaa inay xasilloonaan ku shaqaystaan oo kibistooda cunaan. |
| 13. | Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina. |
| 14. | Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo. |
| 15. | Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya. |
| 16. | Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro. |
| 17. | Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa. |
| 18. | Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. |
| ← 2Thessalonians (3/3) |