Zechariah (13/14)  

1. Wakhtigaas waxaa reer Daa’uud iyo dadka Yeruusaalem degganba u furmi doonta il dembiga iyo nijaasta lagaga maydho.
2. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi’iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan.
3. Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.
4. Oo wakhtigaas nebiyada midkood kastaaba wuu ku ceeboobi doonaa riyadiisii markuu wax sii sheegayo, mana ay xidhan doonaan dhar dhogor badan oo ay wax ku khiyaanaan.
5. Laakiinse wuxuu odhan doonaa, Anigu nebi ma ahi, ee waxaan ahay dhulbeerte, waayo, tan iyo yaraantaydii baa lay addoonsanayay.
6. Oo waxaa lagu odhan doonaa, Waa maxay nabrahan gacmahaaga ku yaalla? Oo isna wuxuu ugu jawaabi doonaa, Waa kuwii laygu dhaawacay anigoo guriga saaxiibbaday jooga.
7. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
8. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba’do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.
9. Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.

  Zechariah (13/14)