| SongOfSongs (1/8) → |
| 1. | Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan. Gacalisada Hadlaysaa |
| 2. | Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay. |
| 3. | Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin. |
| 4. | I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii. Saaxiibadaha Hadlayaa Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa, Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan. Gacalisada Hadlaysaa Si qumman ayay kuu jecel yihiin. |
| 5. | Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan. |
| 6. | Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis. Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday, Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah, Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn. |
| 7. | Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa? Saxiibadaha Hadlayaa |
| 8. | Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon, Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa, Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada. Gacaliyaha Hadlayaa |
| 9. | Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon. |
| 10. | Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan, Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah. |
| 11. | Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah Oo lacag laga taagay. Gacalisada Hadlaysaa |
| 12. | Inta boqorku miiskiisii fadhiyey, Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday. |
| 13. | Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta. |
| 14. | Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal. Gacaliyaha Hadlayaa |
| 15. | Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale. Gacalisada Hadlaysaa |
| 16. | Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay, Oo weliba sariirteennuna waa cagaar. Gacaliyaha Hadlayaa |
| 17. | Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah, Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah. |
| SongOfSongs (1/8) → |