| ← Psalms (98/150) → |
| 1. | Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado. |
| 2. | Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda. |
| 3. | Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa’iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna. |
| 4. | Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya. |
| 5. | Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya. |
| 6. | Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan. |
| 7. | Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen, |
| 8. | Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa, |
| 9. | Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad. |
| ← Psalms (98/150) → |