← Psalms (92/150) → |
1. | Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahad naqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow, |
2. | Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada, |
3. | Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda. |
4. | Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa. |
5. | Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin. |
6. | Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo. |
7. | Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi’iyo, |
8. | Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba. |
9. | Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi’i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan. |
10. | Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub. |
11. | Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca. |
12. | Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan. |
13. | Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga. |
14. | Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan, |
15. | Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto. |
← Psalms (92/150) → |