| ← Psalms (91/150) → |
| 1. | Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka. |
| 2. | Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo. |
| 3. | Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun. |
| 4. | Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magan geli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad. |
| 5. | Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona, |
| 6. | Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi’isa. |
| 7. | Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto. |
| 8. | Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda. |
| 9. | Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah. |
| 10. | Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto. |
| 11. | Waayo, isagu wuxuu malaa’igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan. |
| 12. | Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin. |
| 13. | Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada. |
| 14. | Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin. |
| 15. | Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa. |
| 16. | Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda. |
| ← Psalms (91/150) → |