| ← Psalms (88/150) → | 
| 1. | Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey, | 
| 2. | Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig, | 
| 3. | Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She’ool. | 
| 4. | Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yaamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn, | 
| 5. | Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go’ay. | 
| 6. | Waxaad igu ridday yaamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer. | 
| 7. | Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah) | 
| 8. | Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo. | 
| 9. | Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday. | 
| 10. | Ma yaabab baad tusaysaa meydadka? Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah) | 
| 11. | Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa? | 
| 12. | Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda? | 
| 13. | Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa. | 
| 14. | Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa? | 
| 15. | Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa. | 
| 16. | Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi’iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay. | 
| 17. | Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen. | 
| 18. | Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay. | 
| ← Psalms (88/150) → |