| ← Psalms (87/150) → |
| 1. | Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah. |
| 2. | Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon. |
| 3. | Magaalada Ilaahay, Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah) |
| 4. | Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan, Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya. Midkanu halkaasuu ku dhashay. |
| 5. | Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay, Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona. |
| 6. | Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo, Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah) |
| 7. | Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan, Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan. |
| ← Psalms (87/150) → |