| ← Psalms (85/150) → |
| 1. | Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub. |
| 2. | Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah) |
| 3. | Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga. |
| 4. | Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji. |
| 5. | Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab? |
| 6. | Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan? |
| 7. | Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii. |
| 8. | Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon. |
| 9. | Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato. |
| 10. | Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen. |
| 11. | Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada. |
| 12. | Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa. |
| 13. | Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro. |
| ← Psalms (85/150) → |