| ← Psalms (83/150) → |
| 1. | Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow. |
| 2. | Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen. |
| 3. | Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay. |
| 4. | Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi’innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa’iil dib loogu soo xusuusan. |
| 5. | Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan, |
| 6. | Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo’aab iyo reer Hagariim, |
| 7. | Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa, |
| 8. | Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah) |
| 9. | Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon, |
| 10. | Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo. |
| 11. | Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se’eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac, |
| 12. | Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa. |
| 13. | Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya, |
| 14. | Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya, |
| 15. | Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii. |
| 16. | Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan. |
| 17. | Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe’een, |
| 18. | Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan. |
| ← Psalms (83/150) → |