| ← Psalms (82/150) → |
| 1. | Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah, Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda, |
| 2. | Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah) |
| 3. | Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. |
| 4. | Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh. |
| 5. | Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay. |
| 6. | Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo, Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii. |
| 7. | Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale, Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood. |
| 8. | Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan. |
| ← Psalms (82/150) → |