| ← Psalms (81/150) → |
| 1. | Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub. |
| 2. | Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda. |
| 3. | Buunka afuufa markay bishu dhalato, Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah. |
| 4. | Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa’iil, Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub. |
| 5. | Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati, Markii uu dalkii Masar ku soo baxay, Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon. |
| 6. | Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd, Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii. |
| 7. | Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey, Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon, Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah) |
| 8. | Dadkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa’iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen! |
| 9. | Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin. |
| 10. | Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa. |
| 11. | Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa’iilna ima aqbalin. |
| 12. | Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan. |
| 13. | Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa’iil bal may jidkayga ku socdaan! |
| 14. | Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda. |
| 15. | Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga, Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa. |
| 16. | Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan, Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa. |
| ← Psalms (81/150) → |