| ← Psalms (8/150) → | 
| 1. | Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka. | 
| 2. | Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka. | 
| 3. | Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay, | 
| 4. | Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa? | 
| 5. | Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa’igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad. | 
| 6. | Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay, | 
| 7. | Idaha iyo lo’da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba, | 
| 8. | Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha. | 
| 9. | Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! | 
| ← Psalms (8/150) → |