| ← Psalms (78/150) → |
| 1. | Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta, Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga. |
| 2. | Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal, Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore, |
| 3. | Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin, Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen. |
| 4. | Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey. |
| 5. | Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa’iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed, |
| 6. | Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona, |
| 7. | Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa, |
| 8. | Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn. |
| 9. | Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen. |
| 10. | Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan, |
| 11. | Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay. |
| 12. | Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey, Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan. |
| 13. | Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan. |
| 14. | Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis. |
| 15. | Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo. |
| 16. | Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale. |
| 17. | Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen. |
| 18. | Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis. |
| 19. | Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa? |
| 20. | Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa? |
| 21. | Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa’iilna cadhaa ku dhacday, |
| 22. | Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan, Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn. |
| 23. | Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare Oo albaabbadii samadana wuu furay; |
| 24. | Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan, Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada. |
| 25. | Dadkii waxay cuneen kibistii malaa’igaha, Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan. |
| 26. | Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari, Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey. |
| 27. | Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale, Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha, |
| 28. | Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda. |
| 29. | Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen. |
| 30. | Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay, |
| 31. | Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa’iil. |
| 32. | In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa. |
| 33. | Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn, Cimrigoodiina cabsi. |
| 34. | Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen. |
| 35. | Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda. |
| 36. | Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen. |
| 37. | Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn. |
| 38. | Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi’in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin. |
| 39. | Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi, Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon. |
| 40. | Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen! |
| 41. | Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa’iil Kooda Quduuska ah. |
| 42. | Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona, |
| 43. | Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan. |
| 44. | Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin. |
| 45. | Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi’iyeen. |
| 46. | Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax. |
| 47. | Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi’iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi’iyey sayax barafoobay. |
| 48. | Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul. |
| 49. | Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa, Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib, Iyo guuto ah malaa’igo shar ah. |
| 50. | Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada, |
| 51. | Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam, |
| 52. | Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale. |
| 53. | Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay. |
| 54. | Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah, Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay. |
| 55. | Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa’iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii. |
| 56. | Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin, |
| 57. | Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan. |
| 58. | Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray. |
| 59. | Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday, Oo aad buu reer binu Israa’iil u karhay, |
| 60. | Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey, Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay, |
| 61. | Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii. |
| 62. | Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef, Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii. |
| 63. | Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay, Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin. |
| 64. | Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran. |
| 65. | Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis. |
| 66. | Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey, Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn. |
| 67. | Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf, Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran, |
| 68. | Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday. |
| 69. | Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey. |
| 70. | Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa’uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha, |
| 71. | Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa’iil oo dhaxalkiisa ah. |
| 72. | Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa. |
| ← Psalms (78/150) → |