← Psalms (7/150) → |
1. | Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi, |
2. | Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane, Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa. |
3. | Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto, |
4. | Haddii aan shar ugu abaal guday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla’aan cadowga iigu ahaa,) |
5. | De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah) |
6. | Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun. |
7. | Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen, Oo adna iyaga xagga sare uga noqo. |
8. | Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay. |
9. | Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka. |
10. | Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay. |
11. | Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan. |
12. | Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa, Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday. |
13. | Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada, Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya. |
14. | Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan, Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been. |
15. | Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey. |
16. | Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa. |
17. | Rabbiga waan ugu mahad naqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya. |
← Psalms (7/150) → |