← Psalms (6/150) → |
1. | Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin. |
2. | Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan. |
3. | Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa? |
4. | Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed. |
5. | Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She’ool kaaga mahad naqi doona? |
6. | Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda. |
7. | Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa. |
8. | Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda. |
9. | Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda. |
10. | Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan. |
← Psalms (6/150) → |