| ← Psalms (58/150) → | 
| 1. | Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan? Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan? | 
| 2. | Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato, Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan. | 
| 3. | Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya. | 
| 4. | Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya, | 
| 5. | Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya. | 
| 6. | Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi, Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi. | 
| 7. | Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya. Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay. | 
| 8. | Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba’da, Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin. | 
| 9. | Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah. | 
| 10. | Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada, Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa. | 
| 11. | Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma. | 
| ← Psalms (58/150) → |