| ← Psalms (56/150) → |
| 1. | Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan; Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa. |
| 2. | Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan, Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin. |
| 3. | Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa. |
| 4. | Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa? |
| 5. | Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan. |
| 6. | Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda. |
| 7. | Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan? Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur. |
| 8. | Waad og tahay warwareeggayga, Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub, Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn? |
| 9. | Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho, Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro. |
| 10. | Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa. |
| 11. | Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa? |
| 12. | Ilaahow, nidarradaada waan qabaa, Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah. |
| 13. | Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho, Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin? Inaan Ilaah hortiisa ku socdo Iftiinka kuwa nool. |
| ← Psalms (56/150) → |