← Psalms (55/150) → |
1. | Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin. |
2. | I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa, |
3. | Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan. |
4. | Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada. |
5. | Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay. |
6. | Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa. |
7. | Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog, Oo waxaan degganaan lahaa cidlada. (Selaah) |
8. | Waxaan gabbaad kaga carari lahaa Dabaysha hufada ah iyo duufaanka. |
9. | Sayidow, iyaga baabbi’i, oo afafkoodana kala duw Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir. |
10. | Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo. |
11. | Dhexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda. |
12. | Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga, |
13. | Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah, Iyo jaalkay iyo saaxiibkay. |
14. | Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna. |
15. | Dhimasho ha ku soo kediso iyaga, Oo iyagoo noolnool She’ool ha ku dhaceen, Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda. |
16. | Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona. |
17. | Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa. |
18. | Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa, Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen. |
19. | Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan. |
20. | Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey. |
21. | Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay. |
22. | Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa, Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo. |
23. | Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yaamayska halligaadda, Dhiigyocabyada iyo dadka khaa’innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan, Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa. |
← Psalms (55/150) → |