| ← Psalms (54/150) → |
| 1. | Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor. |
| 2. | Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig, |
| 3. | Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah) |
| 4. | Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya. |
| 5. | Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi’i. |
| 6. | Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahad naqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay. |
| 7. | Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay. |
| ← Psalms (54/150) → |