| ← Psalms (5/150) → |
| 1. | Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda. |
| 2. | Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa. |
| 3. | Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa. |
| 4. | Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo. |
| 5. | Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan. |
| 6. | Waad wada baabbi’in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa’inkaba. |
| 7. | Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa. |
| 8. | Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi. |
| 9. | Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan. |
| 10. | Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe’een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen. |
| 11. | Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen. |
| 12. | Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale. |
| ← Psalms (5/150) → |