| ← Psalms (49/150) → |
| 1. | Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga, |
| 2. | Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla. |
| 3. | Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho. |
| 4. | Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda. |
| 5. | Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto? |
| 6. | Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan, |
| 7. | Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo, |
| 8. | (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,) |
| 9. | Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis. |
| 10. | Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba’aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan. |
| 11. | Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan. |
| 12. | Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba’a. |
| 13. | Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah, Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga. (Selaah) |
| 14. | Iyagu waxaa weeye adhi She’ool loo wado, Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho, Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona, Oo quruxdoodana waxaa baabbi’in doona She’ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba. |
| 15. | Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She’ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah) |
| 16. | Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho, |
| 17. | Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso. |
| 18. | In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid, |
| 19. | Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan. |
| 20. | Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba’a. |
| ← Psalms (49/150) → |