| ← Psalms (48/150) → | 
| 1. | Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah. | 
| 2. | Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn. | 
| 3. | Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay. | 
| 4. | Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen. | 
| 5. | Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen. | 
| 6. | Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa. | 
| 7. | Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari. | 
| 8. | Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah) | 
| 9. | Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay. | 
| 10. | Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo. | 
| 11. | Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood. | 
| 12. | Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya. | 
| 13. | Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda. | 
| 14. | Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada. | 
| ← Psalms (48/150) → |