| ← Psalms (45/150) → |
| 1. | Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan, Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey, Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis. |
| 2. | Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba. |
| 3. | Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow. |
| 4. | Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood, Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan, Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan. |
| 5. | Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan. |
| 6. | Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada. |
| 7. | Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey. |
| 8. | Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh. |
| 9. | Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir. |
| 10. | Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa; |
| 11. | Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud. |
| 12. | Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo. |
| 13. | Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey. |
| 14. | Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa. |
| 15. | Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn, Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka. |
| 16. | Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto. |
| 17. | Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood. |
| ← Psalms (45/150) → |