| ← Psalms (42/150) → |
| 1. | Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow. |
| 2. | Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa? |
| 3. | Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh? |
| 4. | Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya. |
| 5. | Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa. |
| 6. | Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay, Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun, Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar. |
| 7. | Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen. |
| 8. | Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo. |
| 9. | Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa? |
| 10. | Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh? |
| 11. | Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay. |
| ← Psalms (42/150) → |