← Psalms (30/150) → |
1. | Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan. |
2. | Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay. |
3. | Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She’ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yaamayska ugu dhicin. |
4. | Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah. |
5. | Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada. |
6. | Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo. |
7. | Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay. |
8. | Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga. |
9. | Bal markaan yaamayska ku dego, maxaa faa’iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa? |
10. | Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow. |
11. | Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad, |
12. | Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahad naqayaa. |
← Psalms (30/150) → |