Psalms (26/150)  

1. Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola’aan.
2. Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
3. Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.
4. Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
5. Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
6. Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla’aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7. Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8. Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9. Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10. Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11. Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12. Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

  Psalms (26/150)