← Psalms (25/150) → |
1. | Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa. |
2. | Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin. |
3. | Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla’aan. |
4. | Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar. |
5. | Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa. |
6. | Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen. |
7. | Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow. |
8. | Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka. |
9. | Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa. |
10. | Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya. |
11. | Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay. |
12. | Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto. |
13. | Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka. |
14. | Rabbiga taladiisa qarsoon wuxuu la jiraa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa. |
15. | Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka. |
16. | Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa. |
17. | Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi. |
18. | Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi. |
19. | Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah. |
20. | Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa. |
21. | Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa. |
22. | Ilaahow, reer binu Israa’iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan. |
← Psalms (25/150) → |