| ← Psalms (24/150) → |
| 1. | Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba. |
| 2. | Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha. |
| 3. | Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah? |
| 4. | Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran. |
| 5. | Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo. |
| 6. | Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah) |
| 7. | Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa’imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta. |
| 8. | Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan. |
| 9. | Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa’imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta. |
| 10. | Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah) |
| ← Psalms (24/150) → |