| ← Psalms (150/150) |
| 1. | Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa. |
| 2. | Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare. |
| 3. | Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana. |
| 4. | Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. |
| 5. | Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer. |
| 6. | Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana. |
| ← Psalms (150/150) |