| ← Psalms (148/150) → |
| 1. | Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana. |
| 2. | Malaa’igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga. |
| 3. | Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga. |
| 4. | Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow. |
| 5. | Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen. |
| 6. | Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn. |
| 7. | Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow, |
| 8. | Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow, |
| 9. | Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow, |
| 10. | Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow, |
| 11. | Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow, |
| 12. | Barbaarro iyo hablow, Odayaal iyo carruuray, |
| 13. | Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa. |
| 14. | Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa’iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana. |
| ← Psalms (148/150) → |