| ← Psalms (147/150) → |
| 1. | Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay. |
| 2. | Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa’iil ah. |
| 3. | Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa. |
| 4. | Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa. |
| 5. | Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn. |
| 6. | Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa. |
| 7. | Rabbiga mahad naqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna, |
| 8. | Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya. |
| 9. | Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba. |
| 10. | Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka. |
| 11. | Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba. |
| 12. | Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan. |
| 13. | Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey. |
| 14. | Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan. |
| 15. | Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka, Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa. |
| 16. | Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale. |
| 17. | Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara? |
| 18. | Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan. |
| 19. | Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub, Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa’iil. |
| 20. | Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana. |
| ← Psalms (147/150) → |