← Psalms (142/150) → |
1. | Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa. |
2. | Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa. |
3. | Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen. |
4. | Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag, Waayo, nin i yaqaan ma jiro, Meel aan magan galo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh. |
5. | Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay. |
6. | Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin. |
7. | Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahad naqo, Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona, Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa. |
← Psalms (142/150) → |