| ← Psalms (140/150) → |
| 1. | Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, |
| 2. | Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan. |
| 3. | Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah) |
| 4. | Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qastiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan. |
| 5. | Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah) |
| 6. | Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga. |
| 7. | Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay. |
| 8. | Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah) |
| 9. | Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho. |
| 10. | Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin. |
| 11. | Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed. |
| 12. | Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono. |
| 13. | Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahad naqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada. |
| ← Psalms (140/150) → |