← Psalms (139/150) → |
1. | Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay. |
2. | Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa. |
3. | Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan. |
4. | Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay. |
5. | Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay. |
6. | Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo. |
7. | Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa? |
8. | Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She’ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa. |
9. | Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba, |
10. | Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta. |
11. | Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa, |
12. | Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid. |
13. | Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday. |
14. | Waan kugu mahad naqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey sii cabsi iyo yaab badan, Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin, Oo naftayduna taas aad bay u taqaan. |
15. | Lafahaygu kaama qarsoonayn, Markii laygu sameeyey qarsoodiga, Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa. |
16. | Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa, Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen, Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey Intaan midkoodna jirin ka hor. |
17. | Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa! Oo tiro badanaa! |
18. | Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda, Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa. |
19. | Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh, Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow. |
20. | Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan, Oo cadaawayaashaaduna micnela’aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan. |
21. | Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca? |
22. | Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda. |
23. | Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow, |
24. | Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah. |
← Psalms (139/150) → |