| ← Psalms (137/150) → |
| 1. | Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay. |
| 2. | Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa. |
| 3. | Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood. |
| 4. | Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis? |
| 5. | Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii. |
| 6. | Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn. |
| 7. | Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda. |
| 8. | Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi’in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaal mariya Sidii aad nagu samaysay. |
| 9. | Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura. |
| ← Psalms (137/150) → |