| ← Psalms (136/150) → |
| 1. | Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 2. | Ku mahad naqa Ilaaha ilaahyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 3. | Ku mahad naqa Sayidka sayidyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 4. | Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 5. | Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 6. | Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 7. | Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 8. | Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 9. | Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 10. | Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 11. | Oo reer binu Israa’iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 12. | Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 13. | Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 14. | Oo reer binu Israa’iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 15. | Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 16. | Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 17. | Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 18. | Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 19. | Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 20. | Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 21. | Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 22. | Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa’iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 23. | Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 24. | Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 25. | Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| 26. | Ku mahad naqa Ilaaha samada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
| ← Psalms (136/150) → |