| ← Psalms (130/150) → |
| 1. | Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka. |
| 2. | Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga. |
| 3. | Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow? |
| 4. | Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed. |
| 5. | Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa. |
| 6. | Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa. |
| 7. | Reer binu Israa’iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan. |
| 8. | Oo wuxuu reer binu Israa’iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan. |
| ← Psalms (130/150) → |