| ← Psalms (129/150) → |
| 1. | Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa’iil hadda ha yidhaahdeen, |
| 2. | Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan. |
| 3. | Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen. |
| 4. | Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh. |
| 5. | Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen. |
| 6. | Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin, |
| 7. | Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin. |
| 8. | Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga. |
| ← Psalms (129/150) → |