| ← Psalms (128/150) → |
| 1. | Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda. |
| 2. | Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa. |
| 3. | Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan. |
| 4. | Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa. |
| 5. | Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem. |
| 6. | Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa’iil korkooda nabadu ha ahaato. |
| ← Psalms (128/150) → |