| ← Psalms (127/150) → |
| 1. | Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla’aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela’aan buu u soo jeedaa. |
| 2. | Faa’iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo. |
| 3. | Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa. |
| 4. | Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu. |
| 5. | Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda. |
| ← Psalms (127/150) → |