| ← Psalms (126/150) → |
| 1. | Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda. |
| 2. | Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey. |
| 3. | Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay. |
| 4. | Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed. |
| 5. | Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan. |
| 6. | Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita. |
| ← Psalms (126/150) → |