| ← Psalms (124/150) → |
| 1. | Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa’iil ha yidhaahdeen, |
| 2. | Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay, |
| 3. | Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen, |
| 4. | Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa, |
| 5. | Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen. |
| 6. | Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan. |
| 7. | Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go’ay, innaguna waynu baxsannay. |
| 8. | Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba. |
| ← Psalms (124/150) → |