| ← Psalms (123/150) → |
| 1. | Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa. |
| 2. | Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, Ilaa uu noo naxariisto. |
| 3. | Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho. |
| 4. | Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan. |
| ← Psalms (123/150) → |