| ← Psalms (122/150) → |
| 1. | Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee. |
| 2. | Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda, |
| 3. | Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan, |
| 4. | Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa’iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahad naqaan. |
| 5. | Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa’uud. |
| 6. | Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan. |
| 7. | Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer. |
| 8. | Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto. |
| 9. | Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa. |
| ← Psalms (122/150) → |