| ← Psalms (120/150) → | 
| 1. | Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay. | 
| 2. | Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan. | 
| 3. | Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa? | 
| 4. | Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo. | 
| 5. | Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar! | 
| 6. | Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb. | 
| 7. | Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel. | 
| ← Psalms (120/150) → |