| ← Psalms (116/150) → |
| 1. | Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii. |
| 2. | Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan. |
| 3. | Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She’oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug. |
| 4. | Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi. |
| 5. | Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay. |
| 6. | Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay. |
| 7. | Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey. |
| 8. | Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid. |
| 9. | Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool. |
| 10. | Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay, |
| 11. | Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal. |
| 12. | Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan? |
| 13. | Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa. |
| 14. | Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda. |
| 15. | Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh. |
| 16. | Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay. |
| 17. | Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa. |
| 18. | Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda, |
| 19. | Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana. |
| ← Psalms (116/150) → |